HomeWarkiiLaftagareen oo ka hor yimid doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka

Laftagareen oo ka hor yimid doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka

Hogaamiyihii hore ee Maamulka Koofurgalbeed C/casiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa war kooban ka soo saaray arinta doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo dhawaan ka dhaceysa xarunta Baarlamaanka ee Magaalada Muqdisho iyadoo musharaxa  ugu cad cad uu yahay Wasiirka Dekadaha C/qaadir Maxamed Nuur.

Laftagareen oo bartiisa Facebook soo dhigay qoraal kooban ayaa sheegay in aysan qeyb ka ahayn doorashada sharcidaradda ah ee uu Xasan Shiikh ka wado Muqdisho sida uu warka u dhigay.

“Dowladda Koonfur Galbeed Waxa ay cadeynaysaa in aysan qeyb ka ahayn doorashada sharcidaradda ah ee uu Xasan Shiikh ka wado Muqdisho, qeyb kama nihin, mana aqoonsanin cid wakiil nooga ahna majirto” ayuu yiri Laftagareen

Sidoo kale Laftagareen wuxuu qoraalkiisa sii raaciyay in dhankooda waajibaadkeeda u yaallo kaliya uu yahay gobbanimada, xornimada iyo sidii ay usoo celin lahaayeen dowladnimada Koonfur Galbeed oo ay gumaysiga uga dulqaadi lahayd sida uu warkiisa u dhigay.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -