HomeWarkiiSafiir Jabriil oo Muqdisho gaaray markii Dowladu u yeertay

Safiir Jabriil oo Muqdisho gaaray markii Dowladu u yeertay

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Sida aan xogta ku helnay Safirka Soomaaliye ee dalka Kenya,Amb. Jibriil Ibraahim ayaa saaka gaaray Magaalada Muqdisho kadib markii Wasaarada arimaha dibada Xukuumada Somalia ay u yeertay.

Warar ku dhaw dhaw safaadarada Somalia ee Kenya ayaa sheegaya in sababta u yeeristu daba socoto xalnta xurguf u dhexeeya Safiirada Somalia u kala fadhiya Tanzania iyo Kenya.

Khilaafka labada safiir ayaa ka dhashay socdaalka uu Dalka Congo dhawan ku tagay Safiirka Somalia ee Kenya Jabriil Cabdul iyo ganacsato uu horkacayay xili ay arimo ganacsi dahab iyo macdan ku saabsan u tageen Congo, safiirka Tanzania ayae sheegay in Congo uu isaga wakiil uga yahay Dowlada sidaas daraadeedna wafdiga Safiri Jabriil aysan la socodsiin

Lama oga in Safiirka Tanzania isna loo yeeray iyo in Safiir Jabriil kaliya Dowladu kala hadleyso xalinta khilaafka labada safiir oo meel xun gaaray markii warbaahinta lagu arkay warqad safiir ka soo baxday kuna socotay safiirka kale .

XAFIISKA WARARKA SIDAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -