LAASC-CAANOOD (DAYNIILE.COM)-Waxaa Goor dhaw Magaalada Laas-caanood soo gaaray oo garoonka diyaaaradaha ka soo degay Safiirada Dalalka Turkiga ,Sacuudiga iyo Sudan  kuwaasoo ka qeybgelaya caleema saarka Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari.
Safiirka Turkey oo warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha Laas-caanood ayaa sheegay inay imaanshahooda Magaalada Laas-caanood iyo ay tahay taariikh islamarkaana ay ku faraxsan yihiin ka qeybgalka xaflada caleema saarka Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari Somalia.
“waan maalin Taariikh noo ah ,waxaan mar kasta diyaar u nahay inaan gara b istaagno walaalaheena Soomaaliya” ayuu yiri Safiirka Turkey
