Safiirada Soomaaliya ee dalka Hindiya oo markale gashay qalad diblamaasiyadeed dhal kalana ku tagrifashay awoodii dowladeed.

0

Safiirka safaradda Soomaaliya ee dalka Hindiya Faduma C.llahi insaaniya ayaa ummadda Soomaaliyeed ee dalka Hindiya utagtay caafimaadka islamarkaana halkaas ugu xayirmay xanuunka cornovirus (Covid -19) awgiis waxa ay kula dhaqantay arrin ka baxsan bini-aadanimada ayada oo ku tagrifashay awooda iyo masuuliyadda qaranka Soomaaliyeed usoo igmaday.

 

Madaxda dowlada ayaa ku amray dhamaan safaraddaha iyo qunsuliyadaha in ay soo daabulan dadka ku xayiran dalalka calamka, gacana kasiiyaan muwaadiniinta in ay dalkooda ku laabtaan lana taakuleeyo.

Midaa badalkeeda Danjirada ayaa halkii diyaarad ee baxaysa waxa ay ka faa,iidey lacag dhan 63kun oo dollar sadax diyaaradood dadka lakalageeyay Muqdisho, hargaysa iyo garoowe isku geeyn waxa ay ka macaashtay lacag dhan 189kun oo dollar waxaana usii dheera lacagaha kale ay safaraddu qadaneesay sida warqada dalku galka qofkii an heesan baasaboor ama cilad ay ku timado.

arrinta kale xusida mudan ayaa ah in
Dadka qaar oo ay ku jireen xildhibaano iyo masuuliyiin dowladeed ay laxariireen shirkada diyaaradaha Air Djibouti in ay halkaan ka daad gureso codsigiina ay aqbashay shirkadu, islamarkaana safiiradu is hor istaag cad ku sameesay ayado xiriira kala duwan lasameesay safaradda jabuuti ay ku leedahay dalkan Hindiya iyo agency laga jaranayay tickets diyarada oo ku yiilay magalada Hyderabad islamarkaana uu balanqaday Agency-gaa in ay siineeso dalaal iyo lacag dheeri ah haddii ay joogiyaan hawsha diyarada jabuuti leedahay.

arrintaas ayaa keentay isku dhac shacabka safrayey iyo ganacsada hawsha qabaneesay. ka dib waxa ay safiiradu soosaartay warqad ay ku sheegeeso in aysan ka masuul ahayn safaraddu cidii goosata tickets ayada oo googol xaar usameysay shirkadii ay ayadu qadaraaska lagashay. Markale waxa halkaas ku burburay hanti ummadda Soomaaliyeed oo awalba ahaa dhibanayaal caafimaad, islamarkaana ay oo horay uga qasaartay tikit-kii ay ku laabanlahaayeen lacagta ay ku raaci lahaayen diyarada jabuuti waxa ay aheed 750 dollar.

Halka lacagta shirkada daallo oo ay safiiradu wadatay aheed 1087 dollar qofkii farqi ahaan waxa u dhaxeeya 337 dollar.

Dhankale safiiradda ayaa dhammaan cisbitaalada ku yaala magalada Hyderabad waxa ay uqaybisay warqad sheegesa in aan labaari-karin qof soomaali ilaa uu wato warqad cadeen ah oo safaradda ka timid mooye, markii horana dadku ma aysan laheen iqtiyaar ay cisbitaalkay doonaan iskaga baraan waxana ay safiiradu heshiis lagashay hal cisbitaal waxayna ku laheed cisbitaalkaas lacag qidmad gaar ah oo qofwalba usaarneed.

Arrinta kale ee xusida mudan ayaa ah in wadamada Pakistaan iyo Hindiya ay ku yalaan koonfurta Aasiya ayna yihiin labo wadan oo daris ah, safarada pakistan ayaa lacag dhan 300 dollar qofkii ku geesay Soomaaliya muwaadin walba ayada usoo kireesay diyaarad laga leeyahay dalka cumaan halka shirkada daallo Hindiya ay dadka jooga ka qaaday lacag dhan qofkii 1087 dollar

Dhankale safiirada oo safarada joogta wax ka yar hal sano ayaa ku kacday musuqmaashuqii ugu waynaa abid ee safiir uu kula kaco dadkiisa iyo dalkiisa .

Mudada ay safarada Soomaaliya ee Hindiya ay joogtay Fadumo c.llahi insaaniya majirin wax waraysi ama cilaaqaad kala dhexeeyay saxafada balse usbuucaan waxa ay labo waraysi siisay labo warbaahin oo kale duwan sida Tvga dowlada iyo laanta af-Somaliga ee Bbc oo intaa aysaan ayagu soo dalban ayadu dalbatay si ay uu daboosho xalada dhabta ah ee jirta.

Safiirada oo horay uu aheed safiirkii Geneva ee swezerland ujoogay Soomaaliya ayaa xilkeeda ku waysay ka dib markii ay ka aamustay codeen loosameenayay buuraha Golan height ka dib markii ay lacag dhan hal million dollar ka qadatay dowlada israa’iil oo Soomaaliya aysan lalaheen wax xiriir diblamaasiyadeed.

Maqaalkaan kan xiga waxa uga hadli doona habka dhaqalaha safaradda iyo siyaasada guud ay ku shaqeyso sido kale waxa idiin soo gudbin doonaa shaqsiyaad safiirada uqabta hawlo kala duwan

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here