NAIROBI (DAYNIIILE)-Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya Jabriil Ibraahin Cabdulle ayaa Nairobi kula kulmay Safiirka Dalka Kuweyt u fadhiya Kenya iyagoona isla soo qaaday arimo labadooda dal quseeya.

Danjire Jabril Ibraahim Cabdulle ayaa  safiirka dowladda Kuwait ee Kenya kala hadlay xiririka labada dal ee Muslimiinta ah,waxay sidoo kale isla faaqideen wax wada qabsiga labada dal dhanka siyaasada iyo mida ganacsiga intaba.

Advertisement

Danjiraha Kuweyt ayaa soo dhaweeyay kulanka labada safiir iyo iskaashiga waligoodba ay lahaayeen dalalka Carabta oo Soomaakliyana ay ka mid tahay.

Danjire Jariil ayaa sidii loo magacaabay waxaad moodaa inuu bilaabay dhaq dhaqaaq siyaasadeeb madaama maalmihii ugu danbeeyay ay socdeen xaflado lagu soo dhaweynayo soo magacaabistiisa iyo sagootinta Safiirkii ka horeeyay Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.

XAFIIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleTiro Dagaal-yahanada Daacish ka tirsan oo lagu qabtay Puntland
Next articleGudiga Amniga Doorashooyinka Puntland oo mamnuucay in hub la qaato

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here