HomeWarkiiSafiirka Dalka UK oo sheegay in Muqdisho tahay goobta ugu halista badan...

Safiirka Dalka UK oo sheegay in Muqdisho tahay goobta ugu halista badan Caalamka

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Safiirka Dalka Uk u fadhiya Dalkeena Somaliya Charles King ayaa ku dhawaaqay in Muqdisho tahay mid ka mid ah goobaha diblomaasiyadaaed ee dunida ugu halista badan isagoona ka sheekeyay shakhsi ahaantiisa sida uu ugu nool yahay Muqdisho marka la eego amnigiisa iyo wuxuu isticmaalo.

Safiirka wuxuu sheegay in isaga uu adeegsado gaadiidka dagaal marka uu Magaalada ku dhex soconayo,sidoo kale wuxuu sheegay inuu xirto qalabka difaaca.

“subixii waxaan ku soo toosnaa dhawaqa diyaaradaha dagaalka F-16 halkii aan ku soo toosi lahayn dhawaqa alaarmiga saacadaha” ayuu yiri

Mar uu ka hadlay shaqada ugu badan ama ugu muhiimsan ee safaaradiidu qabato wuxuu ku soo koobay sedex arin kuwaasoo kala ah ka shaqeynta amniga,gargaarka bini’aadanimo iyo iskaashiga caalamiga ah.

Safaarada Uk wuxuxuu cadeeyay inay ka mid tahay safaaradaha reer galbeedka kuwooda mar hore laga furey somalia isagoona taariikhda ku sheegay 2013-kii inay ahayd markii la furey safaarada UK.

Si kastaba dhamaan inta amniga ku saabsan ee safiirku Charles King ka sheegay Muqdisho ayaa ah been weyn oo aan waxba ka jirin madaama Muqdisho sanadihii ugu danbeeyay ahayd mid amni ah lana jaan qaaday dunida kale ee caasimadahoodu amniga heystaan.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -