Warar soo baxaya ayaa sheegaya in safaarada Mareykanka Soomaaliya ku leedahay ka shaqeeneyso in ay kulan albaabada u xiran yihiin ayna garwadeyn ka tahay isugu keento Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland.

Sida aan xogta ku helnay safiirka Mareykanka u jooga Soomaaliya Danjire Yamamoto ayaa wada dadaalkii ugu dambeeyay uu ku doonayo in uu isugu keeno Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda labada maamul ee diidan hab maamulkiisa.

Kulankan ayaa la filayaa hadii uu suurto galo in lagu qabto gudaha Xalane gaar ahaan xarunta Safaarada u ah dowlada Mareykanka, waxaana Safiirka Mareykanka siyaabo kala duwan ula kulmay Farmaajo iyo Madaxda labada maamul.

Dowlada Mareykanka ayaa cadaadis ku saareysa labada dhinac in ay kulmaan ayna kawada hadlaan sidii xal looga gaari lahaa khilaafka ka taagan doorashada iyo sidii isku soo dhawaansho loo sameyn lahaa.

Kulankan la isugu keenayo Farmaajo iyo Madaxda Puntland iyo Jubbaland ayaa imaanaya xili wali uusan furmin shir lagu waday Teendhada Afisiyooni isugu yimaadaan Madaxda DF iyo kuwa dowlad goboleedyada kadib markii shirkaasi diideen in ay ka qeyb galaan Deni iyo Axmed Madoobe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here