HomeWarkiiSafiirka Somalia ee Dalka Bangaladesh oo laga gudoomay waraaqaha aqoonsiga+SAWIRRO

Safiirka Somalia ee Dalka Bangaladesh oo laga gudoomay waraaqaha aqoonsiga+SAWIRRO

Safiirka Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Pakistan, ahna Safiirka aan degganeyn ee dalka Bangaladesh, Mudane Sheekhnuur Maxamed Xasan, ayaa maanta si rasmi ah ugu gudbiyey nuqulka rasmiga ah ee waraaqaha safiirnimo Madaxweynaha waddanka Bangaladesh, Mohammed Shahabuddin.

Safiirku waxa uu Madaxweynaha gaarsiiyey fariin iyo salaan sharaf uu ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo adkeynaysa muhiimadda iskaashiga labada dal. Madaxweyne Mohammed Shahabuddin ayaa uga mahadceliyey safiirka gudbinta waraaqaha rasmiga ah iyo salaanta uu ka siday madaxweynaha, isagoo caddeeyey sida dowladdiisa uga go’an tahay xoojinta xiriirka iyo wada-shaqaynta labada dhinac.

Dhanka kale, Safiirka ayaa ka mahadceliyey sida wanaagsan ee uu Madaxweynuhu uga guddoomay nuqulka rasmiga ah ee waraaqaha aqoonsiga danjirenimo iyo soo dhoweynta loo sameeyay.
May be an image of dais and textNo photo description available.May be an image of one or more people, dais and textMay be an image of dais and text that says "মাষ্ট মার্রপতি পতি"
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -