ALGIERS (DAYNIILE.COM)-Xulka Qaranka Kubadda Cagta ee Soomaaliya oo ku sugan Dalka Aljeeriya ayaa bilaabay tababarkooda ay ugu diyaar garoobayaan ciyaarta ay dhawaan la leeyihiin Xulka Dalka Aljeeriya xili dhawaan Macalin Yuu Cali uu ku dhawaaqay xulka magacyada qaranka ee matali doona dalka.
Ciyaartoyda Soomaaliya ayaa ciyaari doona labada kulan ee ka haray isreeb-reebka koobka Adduunka FIFA World Cup 2026.
Sidoo kale Xulka Somalia waxaa maanta kormeer iyo salaan ugu agay Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Aljeeriya, Amb. Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego) si uu dhiiri gelin ugu sameeyo xulkeena ,macalinkooda iyo maamulka la socda intaba.
Taariikhda tan iyo wixii ka danbeeyay burburkii Dowladii kacaanka Kubada Cagta Somalia ayaa aad u liidata iyadoo mar kasta la maqlo guul darooyinka xulkeena ilaa taageerayaashu ay iskala qabsadeen.


































