HomeWarkiiSafiirka Soomaaliya ee dalka Congo oo laga guddoomey Waraaqihiisa Aqoonsiga.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Congo oo laga guddoomey Waraaqihiisa Aqoonsiga.

No photo description available.Safiirka JFS ee dalka Congo Mudane Ilyaas Cali Xasan, ayaa si rasmi ah uga guddoomay Waraaqihiisa Aqoonsiga Madaxweynaha DRC, Mudane Félix Antoine Tshisekedi Tshilombo, munaasabad ka dhacday Qasriga Qaranka ee Kinshasa.

Danjire Ilyaas ayaa uga mahadceliyay soo dhoweynta diirran iyo taageerada ay dowladda iyo shacabka Congo siiyaan bulshada Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaas.

Safiirku waxa uu sidoo kale hambalyo u diray Madaxweyne Tshisekedi guusha ay DRC ku gaartay ku biirista Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, isaga oo xusay in Soomaaliya oo xubin ka ah golahaasi ay diyaar u tahay in la iska kaashado arrimaha gobolka iyo caalamka.

Danjiraha ayaa mar kale adkeeyay sida Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta iskaashiga siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho ee labada dal. Wuxuu sidoo kale soo jeediyay in la aasaaso Madasha Ganacsiga Soomaaliya Congo si kor loogu qaado ganacsiga iyo maalgashiga.

Ugu dambeyn Danjire Ilyaas ayaa Madaxweynaha ku dhiirrigeliyay in la fududeeyo helista rukhsadaha ganacsiga iyo fiisayaasha si loo xoojiyo isu socodka ganacsatada labada dal, maadaama ay xubin ka wada yihiin Ururka Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC).May be an image of one or more people and textMay be an image of one or more people, dais and textMay be an image of one or more people, dais and text that says "RÉPUBLIQUE የመማ REPUBLI DEMOCRATIQUE ATIQUE DU CONGO CONGO N 2 PEP PAI NCE UE E ww.presidence.co f X"May be an image of daisMay be an image of suitMay be an image of one or more people and textMay be an image of one or more people and suitMay be an image of one or more people, dais and textNo photo description available.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -