Safiirkii hore ee Mareykanka u fadhiyay Somalia Larry André ayaa qoraal uu ku faafiyay bartiis X wuxuu kaga digay qorshayaal ay mareykanka ka wadaa qaar ka mid ah santarada kuwaasoo u ol-oleynaya in Madaxweyne Trump aqoonsi siiyo Maamulka Somalilan.
Danjire Larry André Isagoo ka duulaya iskaashiga diblomaasiyadeed ee tobannaan sano ka socday Soomaaliya, Jabuuti iyo guud ahaan gobolka, wuxuu ku baaqayaa in dib u eegis lagu sameeyo siyaasadda Maraykanka xilli sanataro ay u ololaynayaan aqoonsiga Somaliland.
Safiirka wuxuu daboolka ka qaaday in dhibaatooyin dagaalo iyo khilaafaadyo ay ka jiraan Geeska Afrika sidaas daraadeed hadii Mareykanku go’aan ku saabsan Somaliland uu ku degdego ay taasi khatar ku noqon karto xasilloonida Somalia iyo waliba tan gobolka guud ahaan.
“Washington waa inay la tashadaa dalalka dariska la ah Somalia iyo Ururka Midowga Afrika,waana inaan la qaadin go’aan deg deg ah oo waliba hal dhinac”ayuu yiri Safiir Larry Andre
Safiirkla wuxuu sidoo kale sheegay in aqoonsi Mareykanku siiyo Somaliland uu dhaawici karo xiriirka uu la leeyahay shacabka Soomaaliyeed ee taageersan midnimada.
“aqoonsi hal-dhinac ah oo Mareykanku siiyo Somaliland wuxuu sii hurin karaa khilaafaadka beelaha Soomaalida”ayuu mar kale yiri Safiirka oo sidoo kale dhowr talabo ku taliyay sida in Mareykanku xafiis dib lomaasiyadeed ka furto Hargeysa.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
