Safiirkii hore ee Turkiga uga wakiilka ahaa Soomaaliya ayaa si la yaab leh uga hadlay ictiraaf raadinta Maamulka Somaliland, safiirka wuxuu mamulka Somaliland ku tlmaamay hal qabiil oo Soomaalida ka mid ah.
Safiirka wuxuu soo hadal qaaday dooda ku saabsan Madaxbannaanida Beesha Isaaq,wuxuu carabka ku adkeeyay ineysan waaqici ahayn diin ahaan,isir ahaan iyo waliba luuqad ahaan.
“Soomaalidu waa dad isku mid ah dhamaantood mana jirto wax farqi ah oo u dhexeeya reer Somaliland iyo qeybaha kale ee Soomaaliya”ayuu yiri Safiirkii hore ee Turkig uga wakiilka ahaa Somalia
Diblomaasigaan wuxuu ku tilmamay waxaan macquul ahayn in qabiil kasta oo Afrikaan ah uu Dowlad noqdo.
“Haddii qabiil Dowlad noqon karo sida Beeesha Isaaq , Afrika waxay yeelan laheyd 500 oo dowladood”ayuu mar kale yiri Diblomaasigaan reer Turki ee Somalia mar Safiir ka soo noqday.
Ugu danbeyn Diblomaasigaan wuxuu xusay in hadii Muqdisho xaliso amniga iyo mushkiladaha siyaasadeed ay meesha ka baxeyso dooda reer Somaliland iyo ictiraaf raadinta.
“reer Somaliland in la eedeeyo waxba tarimeyso, kaliya Muqdisho halaga dhigo dowlad shaqeyso oo nabad ah”ayuu mar kale yiri
XAFIISKA WARARKA SIYAASADAÂ
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM

