HomeWarkiiSafiiro ka kala socday qaar ka mid ah dalalka Caalamka oo maanta...

Safiiro ka kala socday qaar ka mid ah dalalka Caalamka oo maanta ku soo wajahan Laas-caanood

LAAS-CAANOOD (DAYNIILE.COM)-Qaar ka mid ah Safiirada Dalalka Muslimiinta ah ayaa maanta ku soo wajahan Magaalada Laas-caanood si ay uga qeybgalaan caleema saarka Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari C/qaadir Aw-cali Firdhiye.

Safiirada Laas-caanood imaanaya waxaa la sheegay inay ka mid yihiin Dalalka Turkey,Sacuudiga iyo Sudan walow laga yaabo inay sidaas oo kale dalal kalana iman doonan xili Jabuuti shalaydii hore soo dirtay Wasiiro kuwaasoo si weyn loogu soo dhaweeyay Laas-caanood.

Sidoo kale Jimcihii shalay aheyd waxaa Laas-caanood  tagay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisulwasaaraha Somalia Xamza Cabdi Barre kuwaasoo garoonka Laas-caanood lagu soo dhaweeyay si kala gooni gooni ah.

Si kastaba waxa ka socda Laas-caanood kaliya caleema saar maaha ee waxaa ujeedku yahay xoojinta Midnimada Soomaaliya iyo muujinta ka soo soo horjeedka aqoonsigii dhawaan Israa’iil siisay Maamulka Somaliland.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -