Warbaahinta Kenya ayaa shaacisay sawirada 5 Soomaali ah oo mid haween tahay kuwaasoo ku eedeysan inay lacago ka soo dhaceen Mareykanka islamarkaana hanti ma guurta ah kaga iibsadeen gudaha Dalka Kenya sida Nairobi.
Sida warbixin hore aan idinkula wadaagnay hay’ada baarista Mareykanka ee saraakiil ka socota FBI ayaa Nairobi u joogta sidii ay hantidaasi baaris ugu sameyn lahaayeen kadibna ula wareegi lahaayeen iyadoo hada wararka ugu danbeeya ay sheegayaan inay durba gacanta ku dhigeen qaar ka mid ah hantidaas oo la gashtay hanti ma gurto ah halka kuwo kalana ay wali ku raad joogaan.
Wargeyska Daily Nation oo warbixintaan soo bandhigay ayaa waxaa ku nuux nuuxsaday in qaar Soomaalida ka mid ah ay durba sheegeen inay iska wareejinayaan hantida ay soo musuq maasuqeen.
Mid ka mid ah raga Soomaalida ah ee la sheegay inuu qeyb ka yahay kuwa soo dhacay ayaa la sheegay inuu wareejiyay Hoteel uu ka iibsaday gudaha ismaamulka Kwale gaar ahaab Magaalo xeebeedta ku taal ee Diani.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADAÂ
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM

