Salaam Somali Bank oo Xarun Cusub ka furay DegmaddaCabudwaaq.

Munaasabad si maamuus sare leh loo soo agaasimay oo lagudaah furay xarunta cusub ee Salaam Soomaali Bank ayaamaanta lagu qabtay Degmada Caabudwaaaq ee GobolkaGalgaduud.

Waxaana lagu marti galaiyey Bulshada Caabudwaaq qeybaheedakala duwan iyo Madax ka kala socotay Maamulka Degmada, Xildhibaanada ka tirsan Baarlamaanka Galmudug, Ganacsato, Aqoonyahano, Ururada Dhalinyarada iyo haweenka Degmada.

Shucayb Xaaji Nuur Maxamed oo ah gudoomiyaha Salaam Somali Bank ayaa muhiinadda Xaruntan iyo Faa’iidada ay u leedahay bulshada ka sheegay munaasabada daahfurka Bangigaasagoo sidoo kale sheegay in bangigu u qaban doono dhamaanadeegyada bangi.

Masuuliyiin kala duwan oo isugu jirta Ganacsato, Aqoonyahan, Dhalinyaro iyo Haween yaa ka hadlay Munaasabada Daahufkaxarunta Bangiga Salaam Somali bank iyadoo ay si isku mid ah u soo wada dhaweeyay una mahadceliyey maamulka iyomasuuliyiinta bangiga Salaam Somali bank waxayna sheegeenin laga helayo shaqa abuur loo sameynayo dadka ku dhaqandeegaanka.

Gudoomiyaha Degmada Caabudwaaq Mudane Mahad CumarCilmi oo ka jaray xariga Xarunta Bangiga ayaa amaan iyobogaadin u jeediyey Maaamulka bangiga asagoo sheegay in lagusoo beegay xili munaasab ah wuxuuna ka qeyb qaadan doonaashaqo abuurka iyo hormarka degmada caabudwaaq iyo deegaanaku xeeran

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here