Buulo-mareer (dayniiile.com)-Dagaal-yahanada Alshabaab ayaa la soo sheegayaa inay weerar culus ku qaadeen fariisin ciidamada Uganda ku leeyihiin Deegaanka Buulo-Mareer ee Gobolka Sh. hoose.

Dagaalkaan oo xoogganaa sida dadka deegaanku sheegeen ayaa la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan iyadoo mudana la isku hayay xeradaasi,islamarkaana huganka madaafiicda iyo rasaasta laga maqlaayay deegaankaasi.

Advertisement

War ka soo baxay dhanka Alshabaab ayaa ku sheegteen  inay laayeen ciidamo ka tirsan kuwa Uganda inkastoo aaney jirin warar madax banaan oo ka hadlaya sheegashada Alshabaab.

Lix bil ka hor ayay ahayd markii weerar xooggan oo Alshabaab ku qaadeen isla xeradaan ay askar badan kaga dileen kuwaasoo qaarkood markii danbe ay qirteen Taliska Uganda oo magaca ATMIS kaga howlgala Somalia.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleMuuqaalka baahay ee Falastiiniyiinta dharka laga dhigay
Next articleDowlada Somalia oo soo fara-gelisay arinta Tahriibayaal ku xayiran Xadka Poland iyo Pelarus

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here