HomeWarkiiSamatabixinta iyo Maamulada Jubaland iyo Puntland oo kulan degdeg ah yeelanaya

Samatabixinta iyo Maamulada Jubaland iyo Puntland oo kulan degdeg ah yeelanaya

Warar ku dhaw dhaw Golihii mucaaradka ee dhawaan loogu magac daray Golaha Mustaqbalka ayaa la sheegayaa inay diyaarinayaan kulan degdeg ah oo ay isugu imaanayaan maalmaha soo socda.

Gudi ay madaxdu dhawaan soo magacaabayaan ayaa loo xilsaaray inay diyaariyaan kulan degdeg ah oo ay yeesheen madaxdu iyo halka uu ka dhici doono oo aysan wali go’aan ka gaarin,waxaa macquul ah in markaan uu gudaha dalka ka dhaco sida Garowe ama Kismaayo oo kale.

Golahaan oo ay ku midoobeen mucaaradka samatabixinta,Jubaland iyo Puntland ayaa dhawaan Nairobi kulan ay ku yeesheen waxay ka soo saareen war lidi ku ahaa Dowlada Soomaaliya ,iyagoo xiligaasna sheegay inay kulamo kale yeelan doonaan.

Kulankii Nairobi ka dhacay oo ay kaga dhawaaqeen golaha Mustqablka la baxay waxaa isugu yimid Axmed Madoobe,Saciid Deni, Xasan Cali Kheyre,C/raxmaan C/shukuur Warsame, iyo Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

Kulankoodii Nairobi warkii ay ka soo saareen ayaa sidaan u qornaa:-

1. In la dhiso Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ay ku mideysan yihiin Madasha Samatabixinta iyo Dowladaha Jubaland iyo Puntland
2. In si dhaqso ah shir la isugu yimaado gudaha Soomaaliya si looga arrinsado, go’aanna looga gaaro xaaladda kala guurka siyaasadda Dalka
3. In shirka soo socda lagu dhammeystiro dhismaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliya
4. Shirku wuxuu ugu baaqayaa guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed in ay meel uga soo wada jeensadaan illaalinta iyo ka shaqeynta midnimadooda, xasiloonida dalkooda, kana hortagaan cid kasta oo dhaawacaysa wadajirkooda
5. Shirku wuxuu uga mahad celinayaa Dowladda Kenya dadaalka ay ugu jirto sidii Soomaaliya u heli lahayd xasilooni iyo horumar.May be an image of 5 people

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -