HomeWarkiiSambaloolshe oo goor dhaw si rasmi ah xilka ugu wareejiyay Mahad  Salaad+SAWIRRO

Sambaloolshe oo goor dhaw si rasmi ah xilka ugu wareejiyay Mahad  Salaad+SAWIRRO

Muqdisho, Juun 14, 2025: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka ugu kala wareejiyey Agaasimaha cusub ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) Mudane Mahad Maxamed Salaad iyo Agaasimihii hore Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe.
Munaasabadda xil-wareejinta oo ka ku qabsoontay Xarunta Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa waxaa ka qayb galay Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, Taliyaha Guud ee Booliska Soomaaliyeed Ganaraal Asad Cabdullaahi Cismaan iyo mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha amniga.
Madaxweynaha oo ku bogaadiyey Agaasimihii Hore ee Hay’adda, doorkii uu ka qaatay horumarinta amniga iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada ayaa tilmaamay sida ay uga go’an tahay Dowladda in la sii adkeeyo amniga, lagana hortago khatarta khawaarijtu ay ku hayaan nolasha iyo nafta muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku adkeeyey Agaasimaha cusub ee NISA Mudane Mahad Maxamed Salaad in uu sii amba-qaado howlgallada la dagaallanka argagixisada, xoojinta wadashaqeynta Hay’adda iyo laamaha kale ee amniga iyo kor u qaadidda xiriirka NISA iyo shacabka Soomaaliyeed, si looga hortago dhagarta argagixisada.
DHAMMAADMay be an image of 5 people and suitMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 4 peopleMay be an image of 1 person, dais and text that says "NISA.F0334 F0334"May be an image of 3 people and daisMay be an image of 7 people and daisMay be an image of 1 person, dais and textMay be an image of ‎1 person and ‎text that says "‎Mie می NATIONAL RATTONAL TIONAL INT‎"‎‎May be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 5 people and daisMay be an image of 6 people and textMay be an image of 10 people and dais
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -