HomeWarkiiSambaloolshey oo mar kale loo doortay xubin baarlamanka Soomaaliya ka tirsan

Sambaloolshey oo mar kale loo doortay xubin baarlamanka Soomaaliya ka tirsan

NATIIJADA KURSIGA #HOP058 EE KA BANNAANAA BAARLAMAANKA 11-AAD
Maanta oo ay taariikhdu tahay 20-ka bisha Juun, 2025 Waxaa xarunta Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ka dhacday doorashada dib-u-buuxinta kursiga #HOP058 kaas oo ka bannaanaa Baarlamaanka 11-aad ee Dalka.
Doorashada oo ay ka soo qeybgaleen xubno labada gole ee Dowladda, bulshada rayidka iyo ergada beesha leh kursiga bannaanaa ayaa waxaa tanaasulay musharax Ismaaciil Warsame Faarax.
Ergada doorashada ee kursiga #HOP058 waxaa soo xaadirtay 101 ergo, Doorashada waxay u dhacday hab xasiloon waxaana cod gacan-taag ah ku guulleystay musharrax Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo helay 98 Cod halka ay ka ka aamustay 3 Codbixiye.
Natiijada waxaa ku dhawaaqay Cabdi Caddow Maxamed oo ka socda Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorrashooyinka Qaranka, waxaana uu goobta ku guddoonsiiyey Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) shahaadada Xildhibaanimo.
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -