HomeWarkiiSamia Suluhu Hassan oo mar kale loo doortay Madaxweynaha Tanzania

Samia Suluhu Hassan oo mar kale loo doortay Madaxweynaha Tanzania

Haweeneyda lagu magacaabo Samia Suluhu Hassan oo horana u ahayd Madaxweynaha Tanzania ayaa doorashadii dhawaan dhacday mar kale ku soo baxday oo ku guuleysayay inkastoo dalkaasi rabshado uu galay oo shacabku burburin ku dhaqaaqeen iyaga qaarkoodna la dilay.

Guddiga doorashooyinka ayaa saaka oo sabti ah waxay ku dhawaaqeen in Madaxweyne Samia Suluhu Hassan ay ku guuleysatay ku dhawaad 98% codadka.

Guud ahaabn cod bixiyayaasha ayaa lagu sheegay tira ahaan inay ahaayeen waxaana Samia Suluhu Hassan u  codeeyay 31,913,866 dad ah

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Jacobs Mwambegele oo TV-ga dalkaasi ka hadlayay ayaa shacabka u cadeeyay Samia Suluhu Xasan loo doortay Madaxweynaha Tanzania sidaas daraadeed ay dalka iyada mar kale madaxweyne ka tahay iyadoo hogaamineysa xisbigeeda CCM

Haweeneydaan ayaa Xilka Madaxweynaha Tanzania qabatay sanadkii 2021 ka dib geeridii Madaxweyne John Pombe Magufuli waxaana ay hada sii heshay jaanis ay dalka ku sii hogaamiso madaama hada uun mar kale doorashada ay hadana ku soo baxday.

Lama yaqaan in shacabka banaan baxaya sii wadi doonaan isu soo baxdooda rabshadaha wata kaasoo ka dhashay sida ay ku andacoonayaan markii doorashada laga reebay musharixiin mucaaradka ka mid ahaa.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -