Qore : Yahya Amir

Caawa waxaa nala yiri: Waxaa Bilabanaa sanadka cusub ee 2024. Qofba Dunida si ayeey u tirsataa oo meel ayey ka soo bilaabaan. Shinaha iyo Yuhuuda ayaa ugu tirsi dheer oo gaarayo 5000-6000 Sano ka hor.

Waxaa ugu wakhti gaaban North Korean oo tirsiga Sanadkeedu uu yahay : 113 Sano oo laga soo Bilaabay dhalashadii Hogaamiyhii hore, Kim il Sung.

Advertisement

Halka caalamka kale ay u tahay 2024 Sano. Sanadkaa 113 ayaa Dowladu Xafiisyada ku isticmaashaa. Annaga maxaa noo diiday In aan Xafiisyada ku isticmaalno kan Islaamka ee Hijriyada ama kan Somalida ?.

Caalmaka kale sidee Sannad Tirsugu ku bilaawday.
Afrika
Afrika waxa ay isticmaalaan 3 nuuc oo Calendar ah. Qabiilka Zulu ee K/Afrika Sanadkoodu waxa uu bilawdaa Bisha September.

Dalka Mozambique meel 150 mile koofur uga aadan Magaalada Maputo, waxaa ku yaal Xariiqmo ay u isticmaali jireen Kalander ahaan Kumanyaal Sano ka hor tan Reer yurub, ballaca xariiqahaasi waa ka weynyahay Magaaladda London. ( F.S:1-2aad)

Wadama kale oo African ah oo Somaliyana ay ku jirto waxa ay leeyihiin kalander ku saleysan Boqoradoodii iyo mid Qabiiladdu ay Sanadaha ku tirsadaan.

Masar ayaa kalandarkeeda ku saleysay 365 maalmood oo ku saleysan 3 xilli oo kiiba 4 bilood ahaa.

Ethiopia ayaa kalanderkeedu 7-8 Sano ka dambeeyaa Kan Miilaadiyada, Sabata oo ah Ethiopia waxa ay heysataa Mad-habta Orthodox, Romankuna Mad-habta Catholic labaduna waxa ya isku khilafsan yihiin wakhtigii uu dhashay Nabi Ciise CS. Ethiopian waxa ay ku xisaabisaa 13 Bilood oo ka timid 12 Bilood oo min 30 Maalin ah oo lagu daray 5-6 Maalmood oo loo yaqaan Bishii 13aad.

Aasiya

Hinidiya waxa ay isticmaalaan kaladaro badan sida tan Vikram Samvat.

Dunida Ciraaqiyiintii Hore ee Babylon iyo Iraan tii hore ee Persia ayaa si faahfaahsan u habeeyay Kalanderka.

Yuhuuda ayaa ka soo qaadatay Ciraaqiyiintii hore fikirka kalanderka waxa ay isticmaali jireen yuhuudu Bil ka kooban 29.5 Maalmood. Kadibna 3 Hogaamiye oo Yuhuud ahaa ayaa habeeyay iyada oo laga soo bilaabo ka 3761 ka hor BCE ( before Common Era). Waxaan la hirgaliyay Qarnigii 12aad.

China Sanadkan 2024 waa Sanadkii Dragon, waxa uuna bilaawdaa Sanadka cusub ee Shiinuhu, 10ka Bisha February, Sanadka Shiinuhu 14 Qarni ka badan ayuu ka horeeyaa tan Miilaadiyada. ( F.S: 3-4aad).

Yurub

Sanadka Miiladiyada ee Caawa bilaabanaa ee loo yaqaan Gregorian, Bilahiisa January ilaa December waxaa lagu magacaabay Sanamyadii ay Caabudi jireen, Boqoradoodii, tiro iyo Xus dhaqameedyadoodii hore. Magaca waxa ay ka qaadateen Baadarigii la dhihi jiray Pope Gregorian XIII aad.

Waxa ay aheyd 10 Bilood. Mar dambe ayaa waxaa habeeyay Julius Caesar Sanadkii 1582dii. Marka aad leedahay waxaan dhashay Bishii January, Marso ama mid kale waxaad noo sheegee in aad dhalatay Bishii magaca Sanamkii Ahaa ilaahii ay caabudi jireen Romankii hore.

Ummadaha Caalamka Qolaba Sanaduhu Calaamado ayey u leeyihiin, oo ay ku muujiyaan Abaar, Aaran, Xayawaan, Collaado iyo waxyaabo kale ( F.S:5-7aad)

Caawa Dalka aan Joogo oo Ajnabi aan ku ahay, Dadka joogo oo Kirishtaan u badan, waxaa ka jiro Saxmad, Sakhraan iyo wax Samadda loo gamaa. Qolkeeyga ayaan ka joogay wax aan i khuseeyn yaan leeygu Dardarine, waxaana door biday in aan qormadaan kula wadaago.

Amaa Caawa Dalkeeygii Goobo ka mid ah sidda Magaaladaan loo dabaal dagaa oo leeys duufsaday?

Somaliya

Annaga maxaa noo diiday in aan xafiisyada ku isticmaalno, Sanadka Hijriyada Islaamka oo aan naqaan halka uu ka soo Bilaawday, ama sida ummadaha kale maxaan u sameeysan weynay Sanad noo gaar ah oo gaaray 5000 Sano marka laga soo Bilaabo Markii aan la ganacsan jirnay Boqoradii Xasabshuut ama wakhti kale oo Somalidii hore Mudnaan u lahaa.

Anigu waxaan dhaldhay Sanad Talaadaa, Gugii Koomba shillin ee ka horeeyay Dayrtii Balalaqda. Adigana?

Sideed u aragtaa in loo dabaaldago, curashada Sanadka cusub masiixiga?

FG: wixii ka khaldan ka sax, wixii ka dhimanna ku dar.

Qore : Yahya Amir
No photo description available.No photo description available.May be an image of text that says "Chinese New Year 2024 Year of the Dragon February Sun Mon Tue Wed Thu Fri Sat 1 2 Working 4 Day 11 5 3 6 7 8 9 12 10 13 14 Chinese New Year 15 18 19 16 20 17 21 22 25 23 26 24 27 28 Lantern Festival 29 www.chinahighlights.com China CMLIGNTS"May be an image of text that says "What is the Chinese New Year 2024 Animal?- Wood Dragon Pig Dog Rat 2019 2020 2018 2007 2008 1097 2009 2021 2006 1994 1982 1995 1996 1983 1984 1997 Rooster 2017 2005 1993 89 1981 1985 1986 1998 2010 2022 æ Tiger 2028 2016 2004 1992 8861 2011 200 20 2023 Rabbit 2005 0667 686T Monkey 2000 τοοz 4000 ετοι 0000 2το 2000 2200 2227 Goat WA Horse Dragon Snake"May be an image of textMay be a doodle of textMay be an image of text
Previous articleDAAWO+AKHRISO: Liiska Magacyada Xildhibaanada cusub ee Puntland
Next articleXildhibaanada cusub ee Puntland oo saaka lagu wado in la dhaariyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here