HomeWarkiiSanatar Dowlada mucaaradsanaa oo maanta ka soo muuqday Gaalkacyo isagoo taageeran qorshaha...

Sanatar Dowlada mucaaradsanaa oo maanta ka soo muuqday Gaalkacyo isagoo taageeran qorshaha Madaxweyne Xassan

GAALKACYO (DAYNIILE.COM)-Sanatar Dhabancad oo ah mudanaha ugu da’da weyn labada aqal ee baarlamaanka Somlaia kana soo jeeda deegaanada Galmudug oo lagu ogaa inuu Dowlada mucaarad ku yahay ayaa maanta ka soo muuqday Magaalada Gaalkacyo isagoo hor kacaya ulinta qorshaha Madaxweyne Xassan ee ah doorashada Golaha deegeenka.

Lama yaqaan goorta uu isbadalkaan ku yimid Sanatarka balse waxaa la ogyahay in bilowgii Dowlada inuu ka mid ahaa mudanayaashii la dhacsanaa Siyaasada Dowlada uu ku hogaaminayo Madaxweyne Xasan balse 2023-kii ayaa la arkay Sanatarka oo mar kaliya mucaaraday Dowlada kadib markii ay bilaabatay burburinta dhulka Dowlada ee laga saarayay shacabka gaar ahaan wuxuu aad u diidanaa xarunta dandamiska.

Hadaba Maanta Dhabancad wuxuu safka hore kaga jirey shacab maanta u taagnaa diiwaangelinta dadweynaha ee doorashada qof iyo codka ah ee golayaasha deeganka.

Maamulka Galmudug ayaa  ka wada diiwaangelinta dadweynaha  guud ahaan Deegaanada ay maamulaan ee labada Gobol Mudug iyo Gal-gaduud.

“hadaa nahay xildhibaanadii Gal-mudug maanta ayaan guuleysanay oo waa is diiwaan gelinay,waxaan ku boorinrynaa shacabka Mudug inay is diiwaan geliyaan” ayuu yiri Sanatar Dhabancad.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

 

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -