Taliyihii hore ee Hay’ada Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka NISA Cabdullaahi Sanbaloolshe ayaa mar kale weerar afka ah ku qaaday Dowlada Somalia ee uu hogaamiyo Madaxweyne Xassan Sheekh.
Sanbaloolshe ayaa reerkiisa ugu baaqay inay ugu horeyn inay dhistaan Maamul u gooni ah sida Hiiran State madaama iyaga Dowlada ay kala boodeen inkastoo uusan meesha ka saarin wada xaajood ay geli karaan Dowlada.
Sanbaloolshe wuxuu ku eedeeyay Madaxweyne Xasan reer ahaan inuu beeshiisa saldanada ku ekeeyay isagoo tusaale u soo qaatay isagoo Madaxweyne iyo Cali Guudlaawe oo uu siiyay Hogaanka Hirshabelle.
“Madaxweynaha waa anaga,Gobolka Banaadir waa anaga,Hirhabelle waa anaga ,Taliska Ciidamada Xooga waa anaga laakiin adinka xabada,furimaha iyo Alshababaab la dagaalankooda banaanka u taanaada ma shaqeneyso taasi” ayuu yiri Sanbaloolshe
Sidoo kale masuulkaani wuxuu xusay in khilaafaadka kala dhexeeya Madaxtooyada Somalia lagu xalin karo wada hadal iyo is afgarad,dhanka kale wuxuu tilmaamay in dhawaan ay reerkiisu xaalada taagan u bandhigi doonaan reeraha la dega Gobolka Hiiraan si ay mowqif mideysan uga qaataan.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
