XIGASHO LAACIB.NET
Mustaqbalka Jadon Sancho ee Manchester United ayaa weli mugdi ku jira, iyadoo kooxaha Fenerbahce iyo Juventus ay ka caga jiidayaan inay la kulmaan dalabkiisa dhaqaale ee sarreeya.
Xiddiga garabka ka ciyaara ayaa la sheegay inuu doonayo mushahar gaaraya €35 illaa €37 milyan muddo seddex sano ah, taasoo ah qiyaastii €12 milyan sanadkii — lacagahaas oo ay kooxaha xiiseynaya doonayaan inay hoos u dhigaan.
Manchester United ayaa dooneysa inay iska iibiyaan Sancho, kaasoo xilli ciyaareedkan amaah ku joogay Chelsea, iyadoo la rumeysan yahay inay isku dayi karaan inay qiimaha sare u qaadaan iyagoo labada kooxood ee Fenerbahce iyo Juventus isku diraya.
Si kastaba, mushaharkiisa hadda ee ah £300,000 toddobaadkii ayaa caqabad weyn ku ah heshiis kasta oo la gaaro xagaagan.
Chelsea oo markii hore qarka u saarnayd inay Sancho si rasmi ah ula wareegto, ayaa ka laabatay go’aankaas, waxayna keliya bixisay £5 milyan oo ah lacagta amaahda.
Fenerbahce iyo Juventus ayaa hadda hogaanka u haya tartanka loogu jiro saxiixa Sancho, balse waxaa qasab ku ah inay kala heshiiyaan xiddiga dhanka mushaharka si heshiis rasmi ah loo gaaro.