Kulan sida la sheegay looga hadlaayay ciribtirka Kooda Alshabaab ayaa ka dhacay Deegaanka NO:50 ee Gobolka Shabeelaha hoose .

Kulankaan waxaa ka qeybgalay Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed,NISA  iyo kuwaATMIS ee Midowga Afrika.

Advertisement

Maxmed Maxamuud Abuukar oo ah Guddoomiyaha maamulka deegaanka Lambar-Konton ayaa hadalo uu ka jeediyay kulanka wuxuu uga mahadceliyay saraakiisha dadaalkooda ku aadan ka dagaalanka Alshabaab iyo guulaha ay mar kasta ka soo hooyeen,si gaar ah ciidamada ayuu ku amaanay sidey amniga wadada u xaqiijiyeen.

“wadooyinka dhibaato ayaa awal lagu qabtay caddowga ayaa miinooyin ku aasi jiry waxaana leenahay saraakisiah ciidamada kala duwan ee halkaan ku sugan waad ku mahadsan tihiin”ayuu yiri Guddoomiyaha maamulka deegaanka Lambar-Konton

Dhanka kale Saraakiishii kulanka fadhiday ayaa isku balansaday inay yeeshaan xiriir joogto isamarkaana ay wada shaqeyn ka yeeshaan amniga iyo la dagaalanka Alshabaab.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

May be an image of 3 peopleMay be an image of 6 people and textMay be an image of 7 people and textMay be an image of 6 peopleMay be an image of 3 people

Previous articleHay’ada Maareynta Masiibooyinka oo Deeq Raashin iyo Dawo ah u dirtay Magaalada Jawiil+Sawirro
Next articleLaba Al-shabaab oo xalay lagu dilay Jannaale

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here