Qaar ka mida Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa saacadihii ugu danbeeyay xabsiga loo taxaabay markii lagu eedeyay inay ciidamo ka saareen furimaha Dagaalka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo maanta ciidamo kula hadlaayay Magaalada Maxaas ayaa xaqiijiyay in saraakiil Ciidan loo xirey markii ay Ciidamo ku amreen inay furinta dagaalka ka soo baxan.

Advertisement

“sharciga ayaa la horkeeni doonaa kuwa falkaan sameeyay mana sinaan karaan Ciidamada iyo saraakiisha shqadooda heysta iyo kuwa soo baneeyay aagaga dagaalka xili caddowga la hor taagan yahay” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha inkastoo uusan sheegin tirada saraakiisha la xiray hadana arintaani waxay daba socotaa dagaalkii maalmo ka hor ka dhacay deegaanka Cows-weyne kaasoo sababay in ciidamda Dowlada laga qabsado goobtaasi iyo deegaano kale.

Masuuliyiin kala duwan oo dhacdadaani ama guul daradaasi ka hadalay waxay sheegeen in qaladaad farsamo oo dhacay looga faa’iideystay ciidamada Dowlada.

XAFIISKA WARARKA

WWW. DAYNIIILE.COM

Previous articleMadaxweyne Xasan oo kormeeray xerada ciidamada guutada Cali binu Abii daalib ee Maxaas+SAWIRRO
Next articleRonaldo wuu ku saxsanaa, Glazers dan uma laha Manchester United

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here