AFGOOYE (DAYNIILE.COM)-Laba sarkaal oo ka kala tirsanaa Booliiska iyo Milateriga Dowlada Somalia ayaa galabta lagu dilay inta u dhexeysa Degmada Afgooye iyo deegaanka Xaawa Cabdi ee Gobolka Shabeelaha hoose,sidoo kale darawalkii gaariga ay saarnaayeen saraakiishaan waxaa soo gaaray dhaawac culus.
labada Sarkaal oo lagu kala magacaabo Cabdi Cali Cadde oo Milateri ahaa iyo Daa’uud Dalmar oo Booliis ahaa, waxaana dilkooda ka danbeeyay kooxo hubeysan oo aan wali la aqoonsan halka ay ka soo jeedaan.
Allaha u naxariistee Daa’uud Dalmar wuxuu Taliye ku xigeen Booliis ka soo noqdey Degmooyin uu ka mid yahay Yaaqshiid ,sidoo kale Cabdi Cali Cadde isagana Rabi ha u naxariistee wuxuu ka mid ahaa milateriga guutada 77 ee ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya.
Dhanka kale Xogaha la helayo ayaa sheegaya in gaariga lagu dilay saraakiishaan uu lahaa Janaraal Tareedishe oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Milateriga Soomaaliya kaasoo gaariga markii hore wax ka saarnaa hase yeeshee uga haray degaanka tareedishe ee duleedka Muqdisho sidaasna ay dhanka Afgooye ugu wateen saraakiisha la dilay balse soo noqodkoodii jidka loo galay.
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya ujeedka loo weeraray saraakiishaan walow aaney jirin wax xaqiiqo ah oo la xiriira ujeedka dilka balse Sarakiisha Dowlada ayaa lagu wadaa inay baaritaan kadib war ka soo saari doonaan insha Allah.


