HomeWarkiiSaraakiil ka socota Dowlada Masar oo wali ku soo qulqulaya Muqdisho

Saraakiil ka socota Dowlada Masar oo wali ku soo qulqulaya Muqdisho

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa wali Magaalada Muqdisho ku soo qulqulaya saraakiil Milateri iyo Sirdoon isugu jira oo ka socda Dowlada Masar kuwaasoo diyaarado qaas ah ku imaanaya hadana dalkooda ku laabanaya inkastoo maalmo badan iska soo daba noq noqonayaan.
Warar ku dhaw dhaw qorshaha Saraakiishaan sida aan hore idinkula wadaagnay waxay diyaarinayaan qorshihii ay saldhigyo ugu sii diyaarin lahaayeen ciidamadooda oo lagu wado bisha September ee beri dhalaneysa inay soo gaaraan Muqdisho.
Ciidamada Masarida oo gaaraya ilaa 10 kun ayaa qorshuihu yahay intooda badan inay ka howlgalan gobolada dalka Somalia ee Alshabaabku ku badan si ay Dowlada Somalia uga caawiyaan la dagaalanka Alshabaab xili ay qeyb ka yihiin ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ku shaqeyn doona howlgalka cusub ee AUSSOM.
Sida wararku tilmaamayaan waxay booqanayaan gobolada gaar ahaan meelaha qorshuhu yahay inay degi doonaan si ay uga qeyb qaataan dhismaha dhufeysyada loo sii dayaarinayo ciidamada Masaarida.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -