Agaasimaha Isbitaalka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Dhamme Mustaf Xuseen Cabdulle, ayaa maanta qaabilay saraakiil ka socotay Midowga Yurub oo booqasho ku yimid isbitaalka.
Agaasimaha ayaa wafdiga uga warbixiyey waxqabadka ballaaran ee isbitaalku qabto iyo baahiyaha caafimaad ee weli ka jira qeybaha kala duwan, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo taageerada iyo tayeynta adeegyada caafimaad.
Sidoo kale, Agaasimaha ayaa si gaar ah ugu mahadceliyey Lt. Col. Giuseppina oo hore tababaro ugu siisay howl-wadeenada caafimaadka Isbitaalka CXDS, taas oo kor u qaadday xirfadaha shaqaalaha.
Lt. Col. Giuseppina, oo u dhalatay dalka Talyaaniga isla markaana ku takhasustay cudurrada wadnaha, ayaa kormeer ku samaysay qeybaha kala duwan ee isbitaalka.
Waxay sheegtay inay ka go’an tahay inay gacan ka geysato horumarinta tayada adeegyada iyo sii wadidda tababarada dhaqaatiirta iyo howl-wadeenada caafimaadka.






















