Saraakiil Maraykan ah iyo safiirka USA oo kala hadlay  Maamulada Puntland, Jubbaland iyo Koofur Galbeed dagaalka shabaab

0

Waxaa magaalada Muqdisho gaar ahaan Xerada xalane ka dhacay kula ay yeesheen Safaaradda Mareykanka ee Soomaliya iyo Saraakiil Maraykan ah oo kala hadlay  Maamulada Puntland, Jubbaland iyo Koofur Galbeed dhinaca amaanka. iyo dagaalanka Al-Shabaab.

Kulankan ayaa shalay ka dhacay Safaaradda Mareykanka uu ku leeyahay Xerada Xalane, waxaana ka qeyb galay Safiirka Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Yamamoto, Taliyaha Howlgalada gaarka ee Ciidamada Mareykanka ee Afrika Jen. Anderson iyo Taliye kuxigeenka Taliska Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM Amb. Young.

dhinaca kale waxaa looga hadlay Weerarkii shabaab maalmo ka hor ku qaadeen Xerada janaay cabdale oo shabaab ay sheegteen in ay ku Dileen saraakiil USA ah.

sidoo kale Sida lagu shaaciyay barta Twitter-ka ee Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya kulankan ayaa looga hadlay iskaashi xoog leh oo dhex mara Taliska Ciidamada Mareykanka ee qaaradda Afrika iyo saddexdan dowlad goboleed oo ku aadan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

 

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here