Taliyihii hore ee Guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gaashaanle Dhexe Caydaruus Maxamed Xuseen ayaa maanta xilka ku wareejiyey Taliyaha cusub ee loo magacaabay Guutada 16-aad ee Kumaandoos Danab Gaashaanle Dhexe Cabdicasiis Xuseen Maxamed.Taliyihii hore ee Guutada 16-aad Danab Cayadaruus Maxamed ayaa uga mahadceliyay Dowladda Mareykanka taageerada ay markasta la garab taaganyihiin Soomaaliya, gaar ahaan ciidanka Danab, Wuxuuna taliyaha cusub Alle uga baryay inuu u fududeeyo waajibaadka horyaala.
Taliyaha cusub ee Guutada 16-aad Danab Cabdicasiis Xuseen ayaa ballan qaaday inuu ka shaqeyn doono sidii ciidanka Danab ay u sii xoojin lahaayeen guulaha ay ka gaareen dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.














