HomeWarkiiSaraakiil reer Somaliland oo si qarsoodi ah Adis-ababa ugula kulmay sirdoonka Itoobiya

Saraakiil reer Somaliland oo si qarsoodi ah Adis-ababa ugula kulmay sirdoonka Itoobiya

ADIS-ABABA (DAYNIILE.COM)-Warar soo baxaya ayaa sheegaya saraakiil ka socota Maamulka Somaliland maanta gaareen caasimada Itoobiya ee Adis-ababa iyagoona halkaasi kula kulmay saraakiil ka tirsan sirdoonka Itoobiya walow faahfaahin aan laga helin.

Sida la wada ogyahay Itoobiya wali kama hadlin mowqifkooda aqoonsiga Yuhuuda ee Maamulka Somaliland sidaas daraadeed waxay aad isugu raacsan yihiin siyaasiyiinta Soomaalida iyo shacabkaba in Itoobiya shirko kula tahay Israa’iil qorshaha aqoonsiga.

Kulankaan maanta la  sheegay inuu dhexmaray maamulka reer Waqooyiga iyo sirdoonka Itoobiya waxaa la filayaa inay ka wada hadleen qorshayaasha ka dhexeeya iyo talaabada labaad ee la qaadi doono,sidoo kale Itoobiya waxaa la filayaa in dhawaan inay is cadeyso inay safka Israa’iil iyo Somaliland jirto.

Dhanka kale warar kale oo Adis-ababa kaga helayo ayaa sheegaya in Safaarada Soomaaliya ay ku leedahay halkaasi inay maanta shirisay safiirada dalalka Islaamka ee Adis-ababa iyagoo ka codsaday inay kala shaqeeyaan Soomaaliya sidii dalalka geeska Afrika sida Itoobiya lagu cadaadiyo inay diidaan aqoonsiga Israa’iil ee Maamulka Somaliland.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -