HomeWarkiiSaraakiil Soomaaliyeed oo tababar loogu soo xirey Dalka Qadar iyo Wasiir iqi...

Saraakiil Soomaaliyeed oo tababar loogu soo xirey Dalka Qadar iyo Wasiir iqi oo tagay

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho shaqo ku jooga dalka Qatar, ayaa maanta ka qeybgalay munaasabadda qalin-jabinta saraakiisha isku dhafka ah ee wax ka baranayay kulliyadaha milateriga ee Dowladda Qatar, oo ay ku jiraan saraakiil Soomaaliyeed.

Munaasabadda, oo ka dhacday Kulliyadda Milateriga Axmed bin Maxamed, waxaa soo xiray Amiirka Dowladda Qatar, Mudane Sheekh Tamiim bin Xamad Aal Thaani, isaga oo billado guddoonsiiyay saraakiishii ku guuleysatay kaalmaha hore.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa bogaadiyey doorka Dowladda Qatar ee ku aaddan horumarinta iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isaga oo xusay in xirfadaha iyo aqoonta ay heleen saraakiishan qalin-jabisay ay si weyn kor ugu qaadi doonaan awoodda iyo kartida Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Munaasabadda waxaa wasiirka ku wehliyay taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka, Sareeye Gaas, Odowaa Yuusuf Raage.May be an image of one or more peopleMay be an image of textMay be an image of text
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -