HomeWarkiiSaraakiil uu ka mid yahay Jen.Indha-cadde oo lagu amray inay hubkooda soo...

Saraakiil uu ka mid yahay Jen.Indha-cadde oo lagu amray inay hubkooda soo wareejiyaan

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Warar ku dhaw dhaw Dowlada Soomaaliya ayaa sheegaya in Dowladu soo rogtay amar cusub oo ah in saraakiisha howlgabka ah islamarkaana hubeysan inay hubkooda soo wareejiyaan taas badalkeedana ilaalo kooban ay reebtaan.
Xogta aan helnay ayaa tilmaameysa in saraakiisha howlgabka ah ee amarkaani uu saameynayo uu ka mid yahay Jen.Yuusuf Indha-cadde, kaasoo ka mid ah saraakiisha aadka ugu hubeysan Magaalada Muqdisho,wuxuuna ka mid ahaa saraakiishii sar sare ee Maxkamadihii Islaamiga ahaa ,sidoo kale xilal badan oo dhanka wasaarada gaashaandhiga ah ayuu ka soo qabtay Dowladihii hore ee Kumeel -gaarka ahaa.
Dowlada ayaa talaabadaani la soo hindistay kadib cabsi ka soo wajahday in hubka saraakiishaani aaney u adeegsan siyaasiyiinta mucaaradka ku ah Dowlada Somalia oo laga cabsi qabo inay Dowlada dagaal kala hor imaadaan hadii Dowladu mudo kororsi ku dhaqaaqdo.
Dhanka kale warar si gaar ah ugu dhaw dhaw Jen.Indha Cadde ayaa sheegaya in looga yeeray Saldhiga Booliiska Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho madaama uu degan yahay Degmadaasi,inkastoo wali uusan cadeyn jiritaanla wararkaani soo baxay.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -