*Saraakiisha amarka bixiyay, hagayay isla markaasna hoggaaminayay weerarkii xalay lagu qaaday Hotel Maa’ida ee ay deganyihiin Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Shariif. Qabaa’ilda ay ka soo kala jeedaan iyo ciidamada ay kala hoggaamiyaan:*

1. *Farmaajo* *oo ah Taliyaha Ciidamada Qalabka Sida* ahna ninka bixiyay amarka ah nolol iyo geeri mid hala iigu keeno labada Madaxweyne.

2. *Taliyaha Ciidanka Xooga Gen Odowaa* waa Abgaal waana ninka bixiyay amarka weerarka.

3. *Taliyaha NISA Fahad Yaasiin* waa qofka hoggaaminayay weerarka waa reer Owxasan.

4. *Taliye Xigeenka NISA Kulane (Jiis Mareexaan)* waa Mareexaan, waa ninka isku xiraya ciidamada weerarka soo qaaday, barta hoggaamintana joogay,.

5. *Taliyaha Ciidanka Dhulka Gen Biixi* waa Mareexaan. Wuxuu qaabilsanaa howl gelinta ciidankaan.

6. *Taliyaha Guutada Gorgor Dayax* waa Majeerteen. Wuxuu hoggaaminayay ciidamada weerarka qaaday.

7. *Taliyaha Ururka 1aad Saahid Jareer* waa Mareexaan. Wuxuu hoggaaminayay ciidamada weerarka qaaday.

8. *Madaxa Hoggaanka Sahanka iyo Wardoonka Saciid Kambala* waa Dhulbahante. Wuxuu qaabilsanaa sahanka iyo indho-indhaynta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here