Saraakiisha Xukuma dalka Sudan ayaa xabsiga ka sii daayey siyaasiyiin rayid ah oo la xir xiray afgambigii bishii hore ka dib.

Hoggaamiyaha xisbiga Sudan Congress, Omar al-Degeir, ayaa Wakaaladda Wararka ee Faransiiska u sheegay in habeenkii Axadda laga sii daayey meel uu kaligiis ku xirnaa oo uu ku go’doonsanaa.

Waxaa sidoo kale la sii daayey siyaasiyiin kale, oo ay ku jiraan kuwo ka tirsan xisbiga ugu weyn dalkaas ee Umma.

Xubno ka tirsan xukuumaddii ku meel gaarka ahayd ee la kala diray ayaa si xooggan u cambaareeyey heshiiskii Axaddii ee dib xukunka loogu soo celiyey Ra’iisal Wasaare, Abdalla Hamdok, waxayna tallaabadaas ku tilmaameen mid khiyaano ah.

Dadka militariga dhaliilsan ayaa shaki ka qaba in ra’iisal wasaaraha iyo xukuumaddiisa awood loo siin doono in dalka ay si fiican u maamulaan iyo in kale

Office Nairobi Kenya

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here