Advertisement
Advertisement
Calas Axmed Xaashi oo katirsanaa ciidanka NISA ayaa lagu dilay weerarkii xalay ciidamo katirsan kuwii Eritrea lagu soo tababaray ku qaadeen gaari uu la socday taliyaha NISA ee Dayniile Cabdiraxmaan Seedi-xume oo marayay agagaarka Tarabuunka.
Ciidankii weerarka geestay ayaa la sheegay in ay galeen xerada ay degan yihiin ee kasoo horjeeda Warshada Caanaha, mana jiro cid wali loo soo xiray weerarkan ,sidoo kale dowladda kama aysan hadlin falkan.
Muqdisho ayaa la sheegay in waxii ay doonaan ka geestaan kana sameeyaan ciidanka lagu soo tababaray Eritrea, waxa ayna ciidankan u dhaqmaan si ka daran kuwii Imaaraadka horey u tababaray.
Advertisement



