Sarkaal ka tirsan Laanta dambi baarista Puntland oo lagu magacaabo Warsame Yuusuf Axmed (Yeey) ayaa saaka qarax lagula beegsaday gaarigiisa bartamaha magaalada Gaalkacyo.

Sarkaalkan oo la dhashay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Marxuum C/llaahi Yuusuf Axmed, waxa la xaqiijiyay in uu ka badbaaday qaraxa, inkastoo Qaraxaas uu burbur gaarsiiyay gaarigiisa.

Laamaha Amniga Gaalkacyo weli faahfaahin kama bixin Qaraxa lala eegtay Warsame Yuusuf Axmed (Yeey) oo gaarigiisa burbur uu ka soo gaaray qaraxaas.

Ciidamada amaanka Puntland ayaa qaraxa ka dib howlgalo ka bilaabay goobta uu ka dhacay weerarkan, iyagoo soo xirxiray dadlagu tuhunsan yahay iney qaraxaas ka dambeeyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here