Sida uu baahiyay TV-ga Qaranka Sarkaal dhanka Caafimaadka u qaabilsanaa Alshabaab ayaa isku soo dhiibay saacadihii ugu dabeeyay Ciidamada Sirdoonka Magaalada Xudur ee Xarunta  Gobolka Bakool.

Sarkaalkaan oo lagu magacaabo Yuusuf Sheekh Xasan ayaa Alshabaab u qaabilsanaa dhanka Caafimaadka mudo 13 sano ah isagoona mar soo noqday Agaasime Caafimaad

Advertisement

Mar wax laga weydiiyay sababta ku dhalisay inuu ka soo cararo Alshabaab ayuu sheegay in dhowr mar la xirey ugu danbena uu ku fikiray siduu uga soo goosan lahaa.

“dhowr mar ayay i xireen kadib markaan ka dalbaday fasax hooyadee oo xanuunsan darteed balse xabsi baan ku muteystay iyadoo la ikala dooran siiyay markii danbe inaan shaqadeyda sii wato iyo inaan xabsi ku sii jiro”ayuu yiri Yuusuf .

Maalmahaan danbe waxaa aad u sii kordhayay dhalinyarada Alshabaab ka tirsan ee isku soo dhiibeysa  dhanka Dowlada Soomaaliya iyo Maamul Gobleedyada Dalka.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

No description available.

Previous articleWasiirada Difaaca Mareykanka iyo kenya oo heshiis iskaashi kala saxiixday
Next articleKoronto la’aan laga cabanaayo Xaafada Islii Nairobi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here