HomeWarkiiSarkaal sare oo Alshabaab ka tiranaa oo lagu dilay Gobolka Hiiraan

Sarkaal sare oo Alshabaab ka tiranaa oo lagu dilay Gobolka Hiiraan

Sida lagu shaaciyay warbaahinta Dowlada Ciidamada geesiyaasha ah ee Degaanka Gobolka Hiiraan ayaa xalay howlgal qorsheysan ku dilay horjoogihii Khawaarijta ee lagu magacaabi jiray Cali Axmed Guure, oo loo yaqiin Cali Qoyane, kaasoo lagu beegsaday deegaanka Mabaax ee hoos taga degmada Moqokori ee Gobolka Hiiraan.

Horjooge Cali Qoyane ayaa ahaa horjooge muhiim ah oo ka tirsan kooxda Khawaarijta, wuxuuna ka masuul ahaa falalka gubista gaadiidka shacabka iyo dhibaateynta dadka rayidka ah ee ku nool degaannada Gobolka Hiiraan arrintaas oo keentay in shacabka gobolkaasi ay kacdoon adag kaga hortagaan Khawaarijta.

Sidoo kale, Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ayaa horey xukun dil ah ugu ridday Cali Qoyane isagoo maqane ah, kaddib markii la helay caddaymo muujinayay doorkiisii tooska ahaa ee falal argagaxiso oo lagu beegsaday shacab iyo masuuliyiin.

Howlgalka caawa lagu dilay horjoogahan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee ay Ciidamada Degaanka iyo kuwa Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka wadaan Gobolka Hiiraan, si loo ciribtiro haraadiga Khawaarijta iyo cadowga shacabka Soomaaliyeed.May be an image of one or more people and text that says "d@kiliyanmbappe52 J@kil"

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -