Ciidamada difaaca deegaanka ayaa hawgal guulaystay ka fuliyey degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.
Xoogaga hubaysan ee deegaanka oo haystay xog ay soo siiyeen bulshada ku nool degmada Ceeldheer ayaa gacanta ku dhigay horjooge si weyn looga yaqaanay deegaanka, kaas oo lagu magacaabo Cabaas Garoobshe.
Sidoo kale ciidanka deegaanka ayaa nafta dhaafiyey dhagar qabe magaciisa lagu soo gaabshay Ilkacase, kaas oo in badan bulshada ay ku sheegayn in uu ahaa shaqsi aad dhibaato ugu gaysan jiray shacabka.
Ciidanka hawlgalka sameeyey ayaa qabsatay gaari nuuca Soomaalida u taqaan Leyla Calaawi oo ay adeegsanayeen Khawaarijta hawlgalka guulaystay lagu qaaday.
Hawlgalkan guulaystay ayaa ka mid ah dhowr hawlgal oo ciidanka deegaanka iyo kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed ka sameeyeen deegaano hoostaga degmooyinka gobolka Galgaduud.
=XIGASHO WARBAAHINTA DOWALDA=

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here