HomeWarkiiSarkaal Alshabaab ka tirsanaa oo isku soo dhiibay Maamulka Galmudug

Sarkaal Alshabaab ka tirsanaa oo isku soo dhiibay Maamulka Galmudug

Horjooge ka tirsanaa Khawaarijta arxan darran ee Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibay Ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo kuwa deegaanka ee ku sugan koonfurta Gobolka Mudug, gaar ahaan difaacyada ku yaalla Wisil.
Horjoogahan oo lagu magacaabo Axmed Diiriye Raadgoob, laguna naaneyso Kala-foge, ayaa muddo ka tirsanaa Khawaarijta welina ku howlanaa falalka gumaadka iyo dhibaataynta shacabka Soomaaliyeed.
Isu soo dhiibistiisa ayaa ku soo beegmeysa iyadoo maalmahan dambe ay Ciidamada deegaanka ee fadhigoodu yahay Wisil iyo Baxdo kordhiyeen howlgallada baacsiga Khawaarijta iyo burburinta saldhigyadii ay ku lahaayeen koonfurta Gobolka Mudug.
Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka ayaa ku guuleystay in cadaadis joogto ah la saaro Khawaarijta, taas oo keentay in xubno badan oo ka tirsan ay ka fakadaan ama isu soo dhiibaan.May be an image of 1 person
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -