XUDUR (DAYNIIILE.COM)-Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool waxaa lagu soo bandhigay Nin Alshabaab ugu qaabilsanaa dhanka basaas-
nimada laguna magacaabo Axmed Mursal Maxamed oo loo yaqaano (Qulaan).
Ciidanka Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Maamul Goboleedka Koofur Galbeed ayuu isku soo dhiibay kadib markii uu xiriri uu la soo sameeyay.

Axmed Qulaan oo ahaa hor jooge ama sarkaal wuxuu Alshabaab ku jirey mudo 13 sanadood ,isagoona ku biiray Sanadkii 2010-kii.

Sidoo kale wuxuu si gaara uga howlgalayay degmooyinka iyo deegaanada gobolka Bakool halkaasoo ugu danbeyna uu hada iska soo dhiibay.

Mar uu ka hadlaayay sababta uu uga soo tagay sarkaalkaan oo hor jooge u ahaa koox Alshabaab ka tirsan oo ka howlgalayay Xudur Duleedkeeda ayaa warbaahinta u sheegay inuu jiro cabsi iyo kala shaki badan oo ka dhex jir kooxda dhexdooda.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM
May be an image of 1 person, beard, smiling, grass and tree
Previous articleDowlada Somalia oo sheegtay inay mamnuuc tahay in Dalka la soo geliyo Fikir Shiici ah
Next articleDAAWO: Gud. Baarlamaanka oo ka hadlay arimaha wax ka badalka Dastuurka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here