Ciidamada gaarka ah ee Danab Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay howlgall qorsheysan ka fuliyay tuulada Farsooleey ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Howlgalkan ayaa lagu dilay mid kamid ah horjoogayaasha qaraxyada ee kooxda Khawaarijta Al-Shabaab, kaasoo ka mid ahaa shakhsiyaadka ugu halista badan kooxda. Sidoo kale, waxaa lagu khaarajiyay saddex maleeshiyaad oo la socday.
Horjoogahan la dilay ayaa door ku lahaa dhagarrada qaraxyada lagu beegsan jiray shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna ku lug lahaa weerarro badan oo lagu waxyeelleeyay dad aan waxba galabsan.
Ciidamada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa ku celcelinaya sida ay uga go’an tahay inay sii wadaan ciribtirka Khawaarijta si shacabka Soomaaliyeed loogu xaqiijiyo nabad iyo nolol ammaan ah.
