HomeWarkiiSarkaal ciidan oo toogasho ka gaystay gudaha Maxkamada sare ee Kenya

Sarkaal ciidan oo toogasho ka gaystay gudaha Maxkamada sare ee Kenya

NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Dhacdo toogasho ah ayaa shalay ka dhacday Maxkamadaha Sharciga ee Bungoma  ee Dalka Kenya, waxaana ka dhashay khasaare nafeed oo soo gaaray dhowr ruux.

Sida lagu sheegay war qoraal ah oo uu soo saaray afhayeenka waaxda garsoorka Paul Ndemo, qori uu lahaa sarkaal ka tirsan waaxda dambi baarista (DCI) ayaa si lama filaan ah rasaas ugu furay intii ay socotay dhageysiga kiis ciqaabeed oo ka dhacay maxkamadda sare ee Dalka Kenya.

Sida Warbaahinta Kenya gaar ahaan Citizen Tv uu shaaciyay rasaasta oo si shil ah sarkaalka uga dhacday ayaa sababtay dhaawaca 5 ruux  oo isaga laftigiisa uu ku jiro,sidoo kale sarkaalka xabsiga ka tirsanaa iyo 3 shacab ahaa oo iyagana Maxkamadas ku sugnaa.

Warbaahintu ma sii faah-gfaahin sababta shilkaasi ku timid balse dadka toogashada ka gaysta maxkamadaha Kenya ayaa ah kuwo soo noqnoqday inkastoo ay u badan yihiin kuwo toogashadooda tahay ku tala gal iyo carada oo ka tanbadata.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 
DAYNIILE.COM 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -