MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa soo baxaya warar sheegaya in wafdigii la socday mucaaradka ee doraad Kismaayo ka yimid qaarkod lagu baaray garoonka diyaaradaha Muqdisho balse Dowladu markii ay ogaatay xabsiga loo taxaabay sarkaalka ka danbeeyay qaladka nuucaasi ah.
Wararka ayaa tilmaamaya in ilaa doraad uu xirnaa sarkaalkaasi balse maanta lagu sii daayay amar madaxweyne,Sarkaalka oo lagu magacaabo Mahad Carab dhiblaawe ayaa xoriyadiisa heley kadib markii Madaxweynaha uu soo fara geliyay xarigiisa.
Wararku waxay tilmaamayaan raga la baaray ay la socdee wafdiga Ra’iisul Wasaare hore Xasan Cali Kheyre, waxaana la weydiiyay su’aalo dhowr ah.
Si kastaba ma jirto wax xaqiijin kara in dadka la baaray ay saarnaayeen diyaradii uu la socday Ra’iisul Wasaare hore Xasan Cali Kheyre isaguna kama hadlin dhacdo nuucaasi ah.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
