DIINSOOR (DAYNIILE.COM)-Sarkaal ka tirsanaa Kooxda Alshabaab oo lagu magacaabo Ibraahim Maxamed Cusmaan oo magaciisa agarasadhdu ahaa Sakariye  ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan Guutada 8-aad ee ku sugan Magaalada Diinsoor ee Gobolka Bakool kadib markuu ka soo goostay kooxdii uu ka tirsanaa.
Sarkaalka wuxuu ku soo biirey kooxda sida uu sheegay sanadkii 2017-kii,wuxuuna ka howlgeli jirey Gobolka Jubada dhexe oo ka tirsan deegaanada Maamulka Jubaland ,sidoo kale wuxuu sheegay inuu ka tirsanaa qeybta amniyaadka loo yaqaan.
“markaan arkay waxay yihiin ayaan go’aansaday inaan ka soo tago kooxda Alshabaab,waa koox dhib badan oo hadana diin sheeganeysa,dhalinyarada hada la joogta waxaan leeyahay waad ogtihiin dhibaatooyinka yaal meesha” ayuu yiri Ibraahim Maxamed Cusmaan
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
