Advertisement

 

Aadan Xasan Cabdiraxmaan   oo ka tirsan wasaarada shaqada iyo shaqaalaha una fadhiya Safaarada Somaliya ee Qadar ayaa ka been abuuray safaaradaas, waxa uuna ku tilmaamay safiirka Somaliya ee Dalkaas mid la shaqeeya Al-shabaab.

Aadan Xasan Cabdiraxmaan    ayaa ah shaqsi aqoon fiican aan u lahayn Dowladnimada, waxa uuna wada shaqayn la laha ama safaaradaas geeyay  Madaxweynihii hore ee Somaliya Farmaajo, taasi oo la sheegay in ay safarada Gaystay mudo  ka hor.

 

Aqoonyahada Soomaaliyeed ayaa ku tilmaamay wax lagu qoslo in Sarkaal ka tirsan safarada uu Warqad qoraal ah oo been abuur ah uu ka Sameeyo safiirka Cusub ee Somaliya u magacaawday Dalkaasi, Danjire Doodishe.

 

 

Aadan Xasan Cabdiraxmaan  oo ka tirsan Wasaarada shaqada iyo shaqaalaha Dowlada Somaliya,  una  fadhiya safaarada Somaliya ee Qadar, joogay safaaradaas tan iyo Dowladii dhacday ee farmaajo ayaa ka been abuuray Safiir Maxamed Doodishe, taasi oo ah wax lala yaabo, hab dhaqanka Xun ee uu Sameeyay shaqsigaas oo aan sal iyo raad ku lahayd Dibulumaasiyada.

 

Aadan Xasan Cabdiraxmaan  ayaa ku eedeeyay Wasiirkii hore ee Ammniga Qaranka haatana ah Safiirka  Cusub ee Safaaradda Doxa-Qatar  in uu  la shaqeeyo Argagixiso.

Dhaqankan ayaa laga soo min guuriyqay Dowladii hore dhacday, waxayna  taasi ay  tahay wax lala fajaco. Xili dhaqan Xumada aadan ay la yaabeen aqoonyahada Soomaaliyeed.

 

Wararka ayaa sheegaya in Aadan Xasan Cabdiraxmaan   ay gadaal ka riixayaan  Xubno ka tirsan Dowladii Maxamed Cllaahi farmaajo oo caan ku ahayd dhaqanka been abuurrka ah. Gaar ahaan garbihii Farmaajo oo la sheegay in ay aadan Reer ahaan isku xigaan.

 

Dhinaca kale Bulshada Soomaaliyeed ayaa aad uga falceliyay arintaan. Waxaana dadka isticmaala baraha bulshada ay ku tilmaameen wax aan la aqbali Karin, ayaga oo ku taliyay in  aadan lala tiigsado Maxkamad.

 

 

“ Waxaan leeyahay arintaan way soo laab laabatay in  madaxda la aflagaadeeyo waxaan leeyahay waa in aadan Xasan Cabdiraxmaan lala tiigsadaa Maxkamad,  lagana Xayuubiyo Xilka, waxa uu wali wadaa falalkii foosha Xumnaa oo ay Samayn  jirtay Dowladii farmaajo oo uu ka tirsanaa”ayuu yiri faarax oo ka mid ahaa dadkii ka hadlay arintaas.

 

Sidoo kale Habiib maxamed oo ka mid ahaa  shaqaalaha safaarada Somaliya ee kenya isna xigaan isla aadan Xasan Cabdiraxmaan  ayaa sidoo kale waxa uu shaqsiyaad magac leh ku eedeeyay in ay la shaqeeyaan Al-shabaab, taasi oo ah arin ay gadaal ka Riixayaan Dowladii farmaajo oo aad ugu caan ah dhaqankaan qar iska Xoornimada.

 

Isku soo Duuboo arintaan ayaa soo laab laabatay waxayna dadka Soomaaliyed ee ka Falceliyay ku eedeen aadan iyo Habiib in ay arintaan gadaal ka Riixayaan, ayaga oo sheegay in ay ka danbeeyeen haraadigii Maxamed C/llaahi farmaajo ee 5 Sano dhibaatada iyo Xukun marooqsiga ku joogay Dalka, oo aan halkaan lagu soo koobi Karin dhibaatada ay gaarsiiyeen dalka 5 sano ee la soo dhaafay.

Office Nairobi

Previous articleDAAWO: Cududa Ciidamada Dowlada ee ku wajahan Degmada Caad
Next articleArdey dilay 14 ruux kadibna is dilay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here