Koox hubeysan oo bistoolado watay ayaa waxay ku dileen degmada Kaaraan sarkaal katirsanaa qeybta canshuuraha qaada iyadoo lasoo sheegayo inay baxsadeen.

Sarkaalka la dilay oo lagu magacaabi jiray Liibaan Duduble ayaa waxa uu muddo ahaa mid canshuurta ka qaadi jiray ganacsatada Suuqa Degmada Kaaraan.

Meydkiisa ayaa daqiiqado kadib waxaa meesha kasoo qaaday ciidamada booliska degmada Kaaraan,iyadoo baaritaan la sameeyey balse aysan jirin cid loo soo qabtay dilkaasi.

Kooxda Al shabaab ayaa bartooda internet-ka qoraal ay soo geliyeen waxay ku sheegteen in iyagu ka dambeeyeen dilka sarkaalkaasi canshuuraha qaadi jiray ee degmada Kaaraan lagu khaarajiyey saaka oo khamiis aheyd.

Kaaraan oo muddo la daalaa dhaceysa dhalinyarada ciyaal weerada loo yaqaano ayaa hadda waxaa kusoo badanaya dilalka qorsheysan xilli ciidamo howlgalo sameeya ay xaafadaha degmadaasi habeenadii dambe lagu arkayey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here