Taliyaha Hoggaanka Baarisya Dembiyada Ciidanka Booliiska ee (CID) G/Sare muxudiin Axmed Cusmaan ayaa xafiiskiisa ku qaabiley Wakiilka Washinton u fadhiya Qeybta La-Dagaalanka Argagixisada Connor bradbury iyo La-Taliyaha Safaarada Mareykanka ee Soomaaliya dhanka la-Dagaalanka Argagixisada Robert Flannery
Imaashaha Saraakiishaas ka socoto mareynkanka ayaa ujeedkiisu ahaa tayeynta Hanaanka Danabeysan ee keydinta Dembiyada Automatic Information Biometric System (AIBS) hanaankaas ayaa la janqaadi doono systemyada ay isticmaalaan Hay’ada Amniga ee Dalalka hormarey.
Kulanka ka dib ayaa Taliyaha Hoggaanka G/Sare Muxudiin iyo Saraakiisha Ka socotey Mareykanka waxay kormeer wadajir ah ku sameeyeen Waaxda sheybaarka casriga ah ee C I D iyo Systemka keydinta Dembiyada oo ayaga hadda taagyeero.















